War bixin af-soomaali ah

U codee xisbiga Shaqaalaha.

Musharaxa golaha degaanka Said Aamin,  guddoomiyaha Raymond Johansen

Isticmaal xuquuqdaada codaynta

Oslo waxaa ka dhacaya laba doorasho oo isku mar ah; doorashada golaha degaanka magaalada Oslo iyo tan golaha degaanka degmooinka/xaafadaha magaalada. Waxaad xaq u leedahay haddii haysatid dhalashada Norwayjiyaaanka ama aad Norway deganayd saddexdii sano ee ugu damaysay.

Codaynta hordhaca ah waxay soconaysaa laga billaaabo 10 ka Agoosto illa siddeedda Sebteembar (maalmaha isniinta illaa jimcaha, saacadaha 10 -19 iyo sabtiyada saacadaha 10-18).

Marka aad codaynaysid ha hilmaamin in aad wadatid aqoonsi sawir saaran yahay, laakiin uma baahnid in aad soo qaadatid kaarka doorashada.

Waxaan wax badan ku gaarnay si wada jir ah 

Waanu u hanweynahay Xisbiga Shaqaalaha (Arbeiderpartiet) ee Oslo 8 sano oo uu talada dalka hayey. Carruur badan ayaa aadaya xanaanada. Waxaa kordhaya tirada macallimiinta dugsigayada. Lacag badan ayaa lagu kharash gareeyay goobaha ciyaaraha, jardiinooyinka, goob lagu ciyaaro, meelaha lagu dabaasho, barkadaha dabaasha iyo maktabadahaba.

Xisbiga Shaqaalaha ee Oslo ayaa sanadkan doorashada kul gelaya arrimaha hoose:

  • 800 shaqaale dheeraad ah oo ka tirsan adeegyada caafimaadka iyo daryeelka.
  • 6000 shaqo xagaaga oo loogu talagalay dhalinyarada sannad kasta.
  • Horumarinta jardiinooyinka iyo fagaarayaasha magaalada oo dhan.
  • Dib-u-habaynta iyo dhisidda dhowr goob oo lagu ciyaaro laguna dabaasha oo Oslo ah.
  • Dugsiga dhaqdhaqaaqa bilaashka ah, kaas oo badbaadiya qoysaska 25 000 NOK ilmo kasta sannad kasta.
  • Gaadiidka dadweynaha ee bilaashka ah ee carruurta ka yar 6 sano.
  • Kirada oo laga yareeyo 10 000 qof oo deggen guryaha dawladda hoose.